Soomaali/Somali *
* Users may need to install language specific fonts to view these pages
Ku Saabsan Tira-Koobka 2010
Si loo helo matalaad siyaasadeed cadaalad leh iyo adeegyada beelaheenu ugu baahan yihiin mustaqbalka oo ka xooggan kii hore, marka hore waa in aan garanaa dadka aan nahay qaran ahaan. Taasi waa sababta keentay in uu jiro tira-koob.
Tira-koobka Maraykanka ayaa tiriya qof kasta oo deggan Maraykanka. Waxaa lagu waajib yeelay Qodobka 1, Qaybta 2 ee Dastuurka, waxayna dhacdaa 10 sannadood ee kasta. Xogta ay soo ururiso tira-koobku ayaa go'aamisa tirada kuraasta ee uu gobol kasta uu ku leeyahay Wakiillada Aqalka Maraykanka. Gobolka iyo dawladaha hoose waxaa ay sidoo kale u isticmaalayaan tira-koobka sidii ay u qeexi lahaayeen awoodaha siyaasadeed - oo ay kamid yihiin golaha degmooyinka, sharci dejiyaasha qaranka, guddiyaasha degmada ama magaalada, iyo guddiga dugsiyada degmooyinka - xaqiijinta matalaad cadaalad leh heer kasta oo dawladeed.
Laakin halkaasi kuma joogsanayso. Xogta tira-koobka waxaa loo isticmaalaya si loogu qaybsho bilaayin doolar oo ah miisaaniyadda fedaraalka beelaha deegaanka looguna tala-galay adeegyada sannad walba, oo ay kamid yihiin:
- Adeegyada xaaladaha deg-degga ah
- Adeegyada daryeelka caafimaad
- Dugsiyada
- Waddooyinka
- Xarumaha waayeelka iyo waxyaabo ka sii badan
Tira-koobka 2010 waxa u ahaa dhaqdhaqaaqii ka qaybgalka madaniga ahaa ee ugu weynaa oo uu abadkiisa soo mara waddankeenu. Gudaheedii Maarso 2010, foom gaaban oo toban-su'aal ka kooban ayaa loo geeyay qoys kasta ee ku sugan Maraykanka iyo Puerto Rico. Qiyaastii boqolkiiba 74 qoysaskaasi waxay ku soo celiyeen foomka tira-koobka boosto, qoysaska harayna waxaa soo tiriyay shaqaalaha tir-koobka ayagoo lugaynaya dhammaan xaafadaha Maraykanka.


